Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta Wasaaradda ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso Xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October, 2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo,iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga carootay diyaarad sidey Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofurgalbeed oo ka soo kicitintay dalka Kenya oo gaartay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa shalay gaartay magaalada Kismaayo diyaarad sidey Madaxweynaha Puntland taasoo si toos ah uga soo kicitintay magaalada Garowe oo gaartay Kismaayo.