Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in ay diidan tahay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dowlada federalka Mahad Maxamed Guuleed oo madax ka ah wafdi dowlada Soomaaliya u dirtey Makamada ICJ ayaa sheegay in dowladu ay aaminsan tahay maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya.

“Go’aankaynu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowlada Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.”ayuu yiri Ra’iisul Wasare ku xigeenka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay ra’iisul wasaare ku xigeenka in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

Maxkamada ICJ oo u yeertay labada dal ee Soomaliya iyo Kenya iyadoo maanta dhagaysatay wakiiladii ka socday dalka Kenya iyo Soomaaliya waxaana laga sugayaa Maxkamada ICJ in ay go’aan ka gaarto xilliga la dhagaysanayo dacwada badda ee Soomaaliya iyo kenya.