Dowlada caalamku uu aqoonsan yahay ee dalka Yemen iyo kooxda gooni u goosadka oo dowlada Imaaraadka ay taageeraan ayaa gaaray heshiis awood qeybsi ah.

Amiirka leh dhaxalka boqortoyada sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman ayaa ku dhowaaqay goor dhow heshiiska ay gaareen xukuumada Yemen iyo kooxda mucaaradka ku ah ee ka dhisan koofurta Yemen oo ku salaysan in la joojiyo dagaalada ka dhacayay koofurta dalka Yemen

Amiirka ayaa ku tilmaamay heshiiska oo loogu magac daray “Heshiiska Riyadh” inuu yahay talaabo hore loogu qaaday taasoo qeyb ka ah xalinta dagaalka dhiigga badan ku daatay ee afarta sano ka socday dalka Yemen.

Dalka Yemen ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaalo sokeeye oo malaayiin ruux ku barakaceen,kumanaan kalana ay ku dhinteen, balse heshiiskan waxaa uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dagaalka dowlada Yemen ay kula jirto kooxda Xuutiyiinta.