Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay digniin ka soo saartay is bedellada Cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo duufaano la saadaalinayo inay ku soo wajahan yihiin deegaano ka mid ah Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in roobabka weli ka da’aya gobolada ay suura gal ka dhigi karaan fatahaado hor leh, waxaana heegan la geliyay hey’adaha qaabilsan gurmadka iyo ka jawaabista xaaladaha degdega ee ka dhalan kara roobabka iyo dabeylaha la saadaalinayo.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa u diyaar garoobay gurmadka daadadka ka dhasha roobabka la saadaalinayo, waxaana la diyaariyay gaadiidka gurmadka degdega iyo waaxyaha qaabilsan ka jawaabista xaaladaha degdega.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-