Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay halista ay ku dhici karaan fatahaadaha iyo daadadka deegaano ka tirsan Koofurta dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa lagu sheegay roobab xooggan kana sarreeya 40mm la filayo in maanta iyo maalmaha xiga ay ka da’aan meelo ka mid ah dalka.

Saadaasha roobabka laga yaabi in labada maalmood ee soo socota ay da’aan roobab, waxaana saadaashu sheegeysa in roobabka ka da’aya Buuraha dalka Itoobiya, waxaana Wasaaraddu sheegtay in mar kasta oo roobab ka da’aan dhulka sare ee Itoobiya ay aad u sarreyso qatarta inay fatahaado kale dhacaan, isla markaana wabiga uu aad u biyo keeno.