Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay safiirka dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Qatar ay ka fulineyso Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay safiirka dalka Qadar ee dalka Soomaaliya sidii ay u kordhin lahayd mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayso dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa Cumar Finish ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir. Waxana uu Duqa Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii kaalmo caalami ah ay u heli lahayd caasimada dalka isla markaana loo horumarin lahaa.