Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka Caalamiga ah ee Barasaabyada Caalamka, kaasoo maanta ka furmay magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika.

Shirkan ayaa ah kii u horeeyay ee uu ka qeyb galo Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, tan iyo markii xilka loo magacaabay labo bil ka hor.

Inta uu socdo shirka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo kala duwan oo ku saabsan horumarka iyo koritaanka magaalooyinka caalamka, iyadoo Caasimadda Muqdisho ka mid tahay magaalooyinka ka soo koraya oo ay xilligan ka muuqato horumar iyo kobac dhaqaale.

Duqa Muqdisho ayaa khudbad ka jeediyay shirka, isagoo ka hadlay horumarka ay gaartay caasimadda iyo dib u soo kabashada ay sameyneyso magaalada.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa la kulmay Dhiggiisa duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada magaalo, xiriirka iyo in la mideeyo labada magaalo ee Muqdisho iyo Bristol.