Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filsh) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Johannesburg Ee dalka Koonfur Afrika.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa magaalada Durban ee Gobolka KZN uga qeyb galayaan Shirka Caalamiga ee Baarlamaanada Guddoomiyeyaasha Global Parliament of Mayors (GPM).

Duqa caasimada dalka Cumar Filish ayaa u mahadceliyay madaxda safaarada Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika iyo jaaliyadda Soomaaliyeed sida ay ugu soo dhoweeyeen dalka Koofur Afrika.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Konfur Afrika waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Soomaalida ku nool Johannesburg iyo Pretoria, Cape Town.