Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta dowladda Hoose ku soo dhoweeyay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martine.

Kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana laga wada hadlay fulinta mashaariic horumarinta oo laga hirgelinayo degmooyinka Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxyaabihii kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah shaqo abuurka dhalinyarada iyo maareynta dadka barakacayaasha.

Duqa Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa si wadajir ah u kormeeray xafiiska waaxyaha dowladda Hoose, iyagoo warbixino ka dhageystay shaqo maalmeed ka socota xafiiska iyo agaasimayaasha waaxyaha.

Sidoo kale waxaa ay kormeerkeen hoolkii shirarka xarunta Gobolka Banaadir ee 24-kii bishii July uu ka dhacay qaraxii ay ku geeriyoodeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng Yariisow iyo howlwadeeno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa noqonaya mas’uulkii u horeeyay ee ka socda wakiilada Beesha caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho ee soo booqda Xarunta Gobolka Banaadir, kaddib qaraxii 24 July ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.