Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa warqad uu u soo direy Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhex riday qashinka.

Warqadan oo loo direy Madaxweynaha dalka Tukiga 9kii bishan Oktoobar kadib markii ciidamada Maraykanka ay ka baxeen Suuriya ayuu Madaxweynaha Maraykanka ku sheegay Erdogan: “Ha is adkeynin. Ha noqon doqon”.

Maalinta warqadda la gaarsiiyay, Madaxweynaha Maraykanka,ciidamada Turkiga waxay billaabeen duullaan ay uga gudbeen xuduudda Suuriya oo ka dhan ah Kurdiyiinta.

“Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa,” ayuu Trump ku qoray warqadda.

Madaxweyne Trump wuxuu wajahayaa dhalleeceyn ballaaran oo la xiriirta in ciidanka uu kala baxay Suuriya, taas oo lagu tilmaamay mid Turkiga fursad u siisay in uu howlgal militari billaabo.