Dowlada Ertirea ayaa ku eedeysay dowlada Qadar in ay abuureysi jawi colaadeed gudaha iyo dibadda dalka Eritrea.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda dalka Eritrea ayaa lagu sheegay in curyaamin iyo iska horkeen ay ka shaqeyneyso dowlada Qadar.

“Dalka Sudan ayaa loo isticmaalayaa bar loogaga soo duulo dalka Eritrea iyadoo lagu tababarayo kooxo Ikhawaanul Muslimiin ah,”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay illaa toban qodob oo lagu eedeynayo dowlada Qadar. Waxaana ka mid ah qodobadaas in dowlada Qadar ay dib isugu ururinayso mucaaradka

Eritrea,dhalinyarada Eritrea oo xoogga la saarayo si ay u abuuraan kacdoon,kicin kooxaha islaamiyiinta ah,tababar ciidan oo lagu siinayo maleeshiyaad islaamiyiin ah gudaha dalka sudan iyo qodobo kale.

Eedeymahan ayaa waxaa ka mid ah in laga dhex abuurayo gudaha dalka Eritrea dilal lagu qaarijinayo hogaamiyaasha iyo weliba curyaamin dhinaca dhaqaalaha ah.

Eedeymahan loo jeediyay dalka Qadar ayaan jirin illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay dowlada Qadar ka bixisay.