Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba weerar oo maanta ilaa caawa ka kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kaasoo isugu jiray toogasho iyo qarax miino.

Weerarka koowaad ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga xero Shiino oo u dhow Xeradii hore ee Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana halkaasi ka dhacay qarax Miino oo jugtiisa laga maqlay xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Deyniile.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku geeriyootay laba qof oo dhalinyaro ah, kuwaasoo la sheegay inay xilligaas ka yimaadeen Iskuul ay wax ku baranayeen, halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo mid ka mid ah askari ahaa.

Ciidamada ammaanka ayaa durba tagay halka qaraxa uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aanay jirin cid ay ku soo qabteen.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee Waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, kaasoo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Shineemo Liibaan, halkaas oo dabley Bistoolado wadatay ay ku toogteen nin magaciisa lagu soo koobay C/qaadir Daashow.

Ciidamo ka soo baxday Saldhigga booliska degmada Kaaraan ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, iyadoo dableydii hubeysneyd ay isaga carareen goobta, waxaana goobta laga qaaday meydka Marxuumka.