Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay markii ugu horeysay gaareen deegaanka Gacan-Maroodi ee gobolka Sanaag.

Dadka ku nool deegaankaas ayaa sheegaya in uusan wax dagaal ah ka dhicin halkaas oo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab si nabdoon ula wareegeen deegaankaas.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyay in xubno ka mid ah Al-shabaab qabsadeen degaankaasi islamarkaana ay dhufeysyo ka qoteen magaalada.

Deegaanka Gacan-Maroodi ayaa waxaa uu ka tirsan yahay degmada Yubbe ee gobolka Sanaag halkaa oo ay ciidamada Somaliland hore ugala wareegeen ciidamada Puntland.