Mid kamid ah darawalada mootada loo yaqaan Bajaaj ayaa lagu diley meel ku dhow isgoyska Isgoyska Ex Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Wararka ayaa  waxa ay sheegayaan in askarigii geystey dilka ay gacanta ku dhigeen ciidamadii ku sugneyd isla barta kontarool ee uu ka howlgalayay.

Dad ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu shilku ka dhacayay ayaa sheegay in askariga darawalka Mootada waday ku amray in uu istaago, balse uu ka dhega adeygay taas oo sababtay in uu askarigu xabad ku dhifto marxuumka oo isla goobta ku geeriyooday.

Darawalada mooto bajaajyada ee ay ciidamadu ku dilaan magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ku sii badanaya caasimada dalka ee Muqdisho.