Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah  ku saabsan iskahorimaad xooggan oo ku dhacay deegaan ka tirsan degmada Xudur ee gobolka  Bakool.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu  ahaa mid u dhexeeyay ciidamada daacada u ahaa Abuu Mansuur iyo ciidamada dowlada oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal Alshabaab ah.

Lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan iyadoo uu socday muddo kabadan saacad, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.