Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo ku dhex maray deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari ciidamada Puntland iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyn hoobiyaal ah ay ku soo qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab saldhig ay ciidamada Maamulka Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-Urur.

Hoobiyaasha kadib ayaa la sheegay in dagaal xoog leh uu ku dhex maray maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamada Maamulka Puntland meel u jirta 8km deegaanka Af-Urur.

“Waxaa dagaalku ka dhacay meel la yiraahdo Marada-Goobtaa oo ilaa 8km u jirta magaalada, halkaa dagaal xooggan baa ku dhexmaray, waxaana dib loo riixay qoladii waa la kiciyay Al-shabaabta ahayd, Xaggaa iyo Marraje” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Af-Urur oo saxaafada la hadlay.

Khasaare labada dhinac ah ayaa la sheegay in iskahorimaadku uu ka dhashay iyadoo maamulka Puntland saraakiil u hadashay ay sheegeen in illaa 15 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab halka labo askari ay ka dhinteen ciidamada maamulka Puntland.

Deegaanka Af-Urur ayaa  ah meel ay saldhig ku leeyihiin ciidamada maamulka Puntland balse dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaada saldhigga ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaankaas.