Waxaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah xilli ay ku jiraan gudaha masaajidyada amaba ka soo baxaya goobaha lagu cibaadeysto.

Dilkii u dambeeyay oo dhacay maanta ayaa xilli uu ku soo tukaday salaada Jimce mid ka mid ah masaajidyada magaalada Muqdisho loo geystey Cabdalla Maaxi oo ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho.

Dilka ninkan dhalinyarada ah ayaa waxaa ka dambeeyay labo ruux oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo goobta ka baxsaday kahor inta aysan gaarin ciidamada ammaanka.
lama oga sababta loo diley Cabdalla Maaxi oo la sheegay inuu kamid ahaa ardayda wax ka barata jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Dhowaan ayaa lagu dhex diley masjid ku yaal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho mid ka mid ah nabadoonada dalka.

Dilalka kooxaha ku hubeysan ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo caadi ah iyadoo ragga geysta dilalka ay badankood ka baxsadaan goobta ay dilka ka geystaan.