Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan Xarunta AMISOM ee Xalane.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gudaha Xarunta Xalane ay ku dhaceen qaar kamid ah hoobiyeyaasha la soo tuuray,balse ma jiro warar ka hadlaya qasaaraha ka dhashay hoobiyaashan.

Ma aha markii ugu horeysay ee madaafiic hoobiyaal ah lagu weeraro xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho halkaa oo xarumo ah Qaramada Midoobay iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.