Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada maamulka Puntland uu diley muwaadin Kenyan ah.

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay war ka soo saareen dilka ninkan iyagoo sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen askarigii dilay Ninka Kenyanka ahaa, isla markaana ay cadaalada horkeeni doonaan.

Ninkaan u dhashay dalka Kenya ayaa la sheegay in uu la shaqaynayay shirkada ka shaqaysa kaluumaysiga oo Xarunteedu tahay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Sidoo kale  taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in uu fashilmay qarax Ciidamada Puntland lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda Puntland.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xumaanayay ammaanka magaalada dekeda ah ee Boosaaso iyadoo dilal iyo qaraxyo ay ka dhacayeen.