Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in gaadiid uu la socday guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col Xasan Cali Nuur Shuute maanta qarax lagula eegtay agagaarka deegaanka Ceel-Saliini ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa waxaa ay ku soo jeedeen magaalada Muqdisho kadib markii ay booqasho ku tageen saldhigga Milatariga ee ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Ceel Saliini.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay u sheegeen in guddoomiyaha uu badqado,hayeeshee uu burburay mid ka mid ah gaadiidkii la socday,kaas oo la sheegay in uu lahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada.

Warark ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ahaa Ciidamada wafdiga la socday iyo qof Shacab ahaa oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo hadda qaraxasi kama hadlin Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col Xasan Cali Nuur Shuute iyo waliba Hay’adaha Amniga Soomaaliya.