Inku dhow afartan ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay meel u dhexeysa magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Medina ee dalka Sucuudiga.

Dadkan oo ahaa ajaaniib dooneysay inay soo cimreystaan ayaa baskii ay saarnaayeen waxa uu ku dhacay gaari kale.

Afhayeen u hadlay Booliska Magaalada Madiina ayaa sheegay in afar qof oo kale ay dhaawacyihiin,waxaa uu intaas ku daray in dadka shilkaas ku dhintay u badanyihiin dad ka soo jeeda Qaaradda Asiya iyo Bariga dhexe.

Bishii September 2015kii ayey ahayd markii 2,300 oo xujey ah ay ku geeriyoodeen xajka kaddib isbuurasho ka dhacday.

Shilal kale oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay gudaha dalka boqortooyada Sacudi Carabiya.