Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan duqeyn ay diyaarado aan la aqoon ka geysteen saldhigyo ay ururada Alshababa iyo Daacish ku leeyihiin deegaan ka mid ah degmada Isku Shuban ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeymahan ay ka dhaceen nawaaxiga tuulada Cameyra oo ay ku sugan yihiin Daacishta ku sugan degaanada maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka ay weeraradan ka dhaceen ayaa sheegay in diyaarado ay gantaalo ku duqeeyeen saldhig ay leeyihiin ururka Daacishta Soomaaliya.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay duqeyntan.
Ciidamada Maraykanka ayaa kordhiyay bilowgii sanadkan duqeymaha ay ka geysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya.