Xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Kismaayo, Dooloow, Dhuusamareeb iyo Garowe waxa ay muujinayaan in Dawladda Federaalku dhex-dabaalanayso mawjado siyaasadeed oo ay iyadu gacanteeda ku samaysay, kuwaasoo ay u taag la’dahay inay guul ka gaarto ama inta is garato ay la timaaddo xal maan-gal ah oo ay kula heshiiso dhinacyada ay la faltamayso.

– Marka aad eegto xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan dowlad-goboleedka Galmudug oo soo bilawday bishii September 2017 kadib markii mooshin ay Dowladda Federaalku gadaal ka riixayso xilka looga qaaday Madaxweyne Xaaf, inkasta oo falkaasi aanu u dhaqan-gelin sidii loogu talo galay, haddana weerar siyaasadeed oo rogaal celis ah ayaa bishii October 2018 lagu doortay Axmed Baasto si uu u bedelo Xaaf, misana falkaasi ma noqon mid shaqeeya. Waxaa xigay kala qeybintii Xaaf iyo Ahlu Sunna, heshiiskii Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka ee bishii June 2019, kaasoo Federaalku kula wareegay amaanka Dhuusamareeb iyo ugu dambayn khilaafka xilligan ka dhex aloosan Federaalka iyo Ahlu Sunna.

– Khilaafka Federaalka iyo Ahlu Sunna waxa uu ku salaysan yahay heshiis Ahlu Sunna looga baxay (sida ay sheeganayso), Federaalkuna aanu dafirin jiritaanka heshiiskaas. Waxaa is weydiin mudan in iyada oo lagu guda jiro dib-u-heshiisiin, kalsoonid dhisid, turxaan bixin khaladaad horay u dhacay iyo yagleelid hanaan maamul/siyaasadeed oo ay wada leeyihiin shacabka Galmudug, in Federaalku la yimaado heshiis-ka-bax abuuraya kaslooni-darro ma tahay tillaabo wax dhisaysa?

– Ahlu Sunna ka hor waxa Federaalku u kaashaday riditaankii gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, siyaasiyiin uu kamid ahaa madaxweynihii KG, Shariif Xasan oo muddo yar kadibna isaga qudhiisa karkaarka la weydaariyay loona  diray fasax qasab ah oo uu siyaasadda kaga fariisanayo!

– Sida Galmudug oo kale ayay xaaladaha siyaasadeed ee cakiran oo ka taagan Kismaayo, Dooloow iyo Garowe u yihiin kuwa in muddo ah soo jiitamayay, iyadoo dowladdu aanay guulna ka gaarin, heshiisna aanay diyaar u ahayn, waxaana xusid mudan in khilaafyada siyaasadeed ay saameyn ku yeesheen hakashada hawlo badan oo laga fulin lahaa deegaanadaas oo isugu jira adeegyo bulsho iyo kuwa horumarineed, oo muwaadiniinta ku nool deegaanadaasi ay baahi badan u qabaan, waxaase muuqanaysa in damaca siyaasadeed uu hortaagan yahay jalleecidda iyo wax ka qabashada duruufahaas.

– Dagaalka siyaasadeed ee joogtada ah ee Dowladda Federaalku kula jirto maamul-goboleedyada waxa uu hoos u dhigay xurmadii loo hayay hanaanka dolwadnimada iyo madaxda xilka haysa, siyaasiyiin, salaadiin, waxgarad iyo taageerayaal badan oo  safka dowladda  ahaa, rajo badanna ku xirayay isbadallada ay u ballan-qaaday in ay ka sameyn doonto dhamaan deegannada ay ka faltamayso ayaa muuqoodii iyo meel ay ka baxeen la waayay, xaalkooduna waxa uu la mid noqday xaalkii Ilmo Dahaba Toolmoon ee sugayay calafka uu u soo sido odagii Dhagax Kariye!, qaar kalena waxaa galaaftay xasaradihii ay qeybta ka ahaayeen abaabulkooda, waxa ayna noqdeen xaabadii ugu horaysay ee loolanka siyaasadda.

– Garasho iyo garasho-darro mid ay ka ahaataba madaxda federaalku waxa ay bishii Septembar dagaalkii siyaasadeed ee ay ka wadeen daafaha “maamul-goboleedyada” u soo rareen xarunta “Muqdisho”, wuxuuna durbadiiba isu beddelay mid lagu dalbanayo xuquuq dastuuri ah, sida nooca doorashada iyo xilligeeda, xorriyadda muwaadinka, maqaamka Muqdisho…iwm, kadib markii fal u muuqday mid lagu naafaynayo hogaamiyaha Jubaland uu dib ugu soo siqay madaxtooyada JFS, halkaasoo culayskiisa aad looga dareemay.

– Arrinku halkaa kuma ekaanin ee falceliska iyo jawaabaha diidmada ah ee laga bixinayo hawlaha federaalku hoos ayay u daadegeen, iyagoo ka baxay xayndaabka siyaasadda, kadib markii dugsilaydii dariiqada iyo culimadoodii ay ka horyimaadeen barnaamij wacyigelin ah oo ay wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaaftu ku qaban lahayd magaalada Muqdisho. Sheekh Cabdulqaadir Soomoow oo markii hore baaqiisa uu kaga soo horjeeday barnaamjka wasaaradda loo arkayay mid aan macno samaynayn ayaa gadaal ka soo cuslaaday, taasoo ahayd tijaabo albaabka u furtay in fal-celiska bulshadu hor istaagi karo hawlaha federaalka.

– Waa talaabo togan in bulshadu fal-celiskeeda ku muujiso qaab nabadeed, federaalkuna tixgeliyo dareenka bulshada, waxna ka qabto arrimaha laga cabanayo, waxaase jira ifaafale muujinaya in fal-celiska bulshadu uu faraha ka sii baxayo, xilli aanu federaalku weli ku qancin dhagaysiga doodaha dhinacyada ka aragtida duwan iyo raadinta talo qaran oo ay ku midaysan yihiin daafaha “maamul-goboleedyada” iyo xarunta “Muqdisho”, taasoo dhaxalkeedu noqon karo in fal-celisku isu bedelo fawdo hakisa geeddi-socodka hanaanka dib-u-dhiska qaranimada dalka.

– Faltanka siyaasadeed ee federaalku si uu miro-dhal u noqdo waxa uu u baahan yahay dib u eegis, sixitaan, iyo in laga beddelo muuqaalka uu leeyahay oo u eg muuqaalka dhalinyaradii “Shaallalayda” ee qeybta ka ahaa dagaalladii sokeeye ee Muqdisho sanadihii 1991-1992, kuwaasoo xaaladooda ku soo koobay saddex midkood:

Ama Mirqaan
Ama Marxuum
Ama Mariino meel ka aal

1- Inay baashaalayaan oo maadeys iyo maaweelo ku jiraan (Mirqaan).
2- Inay jabeen oo jiiteen (Marxuum).
3- Inay dhaawac la jiifaan cusbitaalkii Mariino ee Kaaraan (Mariino meel ka aal).

Waxaa qoray

Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)