Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed FESOJ aya qoraal ka soo baxay waxaa lagu cambaareeyay xarig loogu geysey weriye ka howlgala magaalada Jowhar iyadoo Isutaggu ugu baaqay madaxda Hirshabelle in si deg-deg ah oo aan shuruud ku xirneyn ku sii deyso Cabdicasiis Xasan Macalin “Foolyareey” uuna joojiyo cabsi gelinta saxafiyiinta kale.

Weriye Cabdicasis Foolyarey ayaa booliska gobolka Sh/dhexe xabsiga dhigeen maanta kadib markii uu boggiisa facebook uu soo geliyay warbixin ku saabsan banaanbax si nabad ah uga dhacay Jowhar oo ay dad ka cabanayay dad badan oo loo xirey bam lagu diley guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sh/dhexe.

FESOJ ayaa qoraalka uu ka soo saaray xariga saxafigan waxa uu ku sheegay inay la xiriireen taliyaha ciidamada booliska Jowhar uuna u sheegay in baaritaan lagu sameynayo saxafiga oo sameeyay fal kicin ah oo amni darro keeni kara.

Hase yeeshee FESOJ oo soo bandhigtay qoraalkii uu saxafigan ku qoray boggiisa Facebook ayaan ka muuqan wax kicin iyo amni darro keenaya,waxana uu saxafiga uu qoray oo kaliya banaanbaxa iyo xariga dadka loo geystey taasoo ka mid ah waajibaadka saaran saxafiga.

“Waxaan cambaareyneynaa cadaadiska isa soo taray oo lagu hayo saxafiyiinta iyo ururada warbaahinta dalka Soomaaliya. Weriyaal warbixino ka sameynaya banaanbaxa Jowhar iyo magaalooyinka kale waxa ay tijaabo u tahay heerka uu gaarsiisan yahay xoriyada saxaafada,waxaana aan ugu baaqeynaa madaxda gobolka inay qaadaan mas’uuliyada lagu joojinayo weerarada loo geysto saxafiyiinta,loona oggolaado saxafiyiinta inay howlahooda shaqo si waafi ah u gutaan”ayuu yiri xoghayaha guud ee Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed FESOJ.

FESOJ ayaa soo bandhigtey qoraalkii uu weriye Cabdicasis Foolyarey uu ku daabacay boggiisa Facebook.