Ciidamada Booliska Hishabelle ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ganacsatadan oo ku xiran muddo afar maalmood ah Saldhiga Booliska magaalada Jowhar ayaa la sheegin sababaha rasmiga ah ee loo haysto.

Raggan ganacsatada ah ee la xirey ayaa waxaa ka mid ah Yuusuf Colow Ceynta iyo Cali Gu’ Jire,sidoo kale waxaa boolisku ay xireen rag kale oo uu ka mid yahay Axmadey Kalahaad oo ka mid ah madaxda iskaashatooyinka gaadiidleyda Jowhar iyo Maxamed Cumar oo loo yaqaan Maxamadow.

Ganacsatada la xirey ayaan la geyn wax maxkamad ah iyagoo qaarkood ay xiran yihiin muddo lix maalmood ah,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska magaalada Jowhar.

Ciidamada Booliska magaalada Jowhar ayaa waday tan iyo markii qarax lagu diley Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Amniga Maamulka Gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal Cismaan.