Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir guddoominayay kulanka, waxana inta badan kulanka goob joog ka ahaa golaha wasiirada.

Golaha Wasiirrad Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay ku tala galka miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020 taasoo dhan $459.5 Milyan

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2020 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.