Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe iyadoo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaarta kadib la hadlay guddigan cusub waxana uu sheegay in laga sugayo shaqo muhiim ah oo ah in Maamul goboleedka Puntland la gaarsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

“Waxaan idiin cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda idinkaga iman doono inuusan jiri doonin, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qori lahaa”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Deni.

Inkastoo guddigan la dhaariyay ayaa hase ahaatee waxaa ka soo horjeestey sharci ahaantooda madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuusan kala tashan dhismaha guddigan.

Guddigan ayaa waxaa xubin ka aha weriye caan ah Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq iyadoo hore sidan oo kale uu xubin uga ahaa guddiga doorashada Puntland weriye Axmed Kismaayo kahor intuusan geeriyoon.