Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Madaxa Hey’adda QM u qaabilsan Cunada aduunka ee WFP qeybteeda Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo iyo saraakiilkale.

Kulankaan ayaa loogaga hadlay sidii WFP iyo maamulka gobolka Banaadir ay isaga kaashan lahaayeen barnaamijyada lagu taageeraayo arrimaha laxariira wax soo saarka dalka iyo shaqa abuurka.

Sidoo kale waxaa kulan la iskula soo qaaday sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha barakacayaasha iyo sidii taageera dhab ah loogu sameyn lahaa qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Filish iyo madaxda WFP ayaa waxyaabihii ay kawada hadleyn waxaa kamid ahaa in la fuliyo mashriic lagu garab istaagaayo wax soo saarka beeraha iyo qeyraadka bada.