Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeeray Taalada 14 October ee ku taal Isgoyska Zoobe, halkaasoo aheyd goobtii ay ka dhacday qaraxii boqolaalka qof ku dhinteen labo sano ka hor.

Xilliga Kormeerka Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa Taalada ku socday dayactir iyo naleyn, si la isugu diyaariyo xuska 14 October oo maanta ay ka soo wareegatay labo sano kaddib.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Xildhibaan C/qaadir Carabow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta isu diyaarineysa xuska loo sameynayo shuhadadii ku geeriyooday weerarkii 14 October, isla markaana duco loo sameyn doono.

Qaraxii 14 October ayaa ka mid ahaa qaraxii ugu cuslaa ee ka dhaca taariikhda Muqdisho, isla markaana ay ku geeriyoodaan dad ka badan 600 oo ruux, halka tiro kale oo boqolaal ahna ku dhaawacmeen.