Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa u safray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ka taagneyd xiisad gacan ka hadal gaartay.

Guddoomiye Caraale ayaa ujeedka socdaalkiisa waxaa lagu sheegay sidii uu xal ugu heli lahaa shaqaaqadii dhex martay Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Booliska degmada Jalalaqsi, iyadoo laga cabsi qabay in mar kale labada Ciidan ay dagaalamaan, maadaama ay hal magaalo wada joogaan.

Dagaalkii bilowga Todobaadkan dhacay ayaa sababay in Ciidamada Jabuuti ay la wareegaan dhammaan xarumihii maamulka degmada Jalalaqsi, iyadoo markii dambe ay dib ugu laabteen Saldhigyadooda, kadib markii xiisada la qaboojiyay.

Dagaalka labada ciidan ayaa yimid kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay iska diideen in Ciidamada Jabuuti ay hawada ka saaraan Isgaarsiinta, xili ay howlgalo Miino Baaris ah sameynayeen, iyagoo ka cabsi qabay in qaraxyo loo dhigo.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho maamulka degmada Jalalaqsi iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti, waxaana marka danbe lagu wadaa inuu kulamo guud isugu keeno labada dhinac.