Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Kormeeray qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo ay Biyo dhigeen roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in lala xisaabtami doono shirkadahii dhisay waddooyinka ay daadadka roobka bur buriyeen.

Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay waddooyin badan oo daadadka ay gooyeen, sidoo kale waxaa ay saameyn ku yeelatay dadka barakacayaasha ah.