Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha laamiga ah ee isku isku xirta isgosyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalane ee degmada Warta Nabada oo uu dib u dhis ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir.

Wadadan ayaa ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka gaadiidka iyo bulshada waxeyna hormartaa Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho waxeyna wadadani kamid tahay wadooyinka uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabzey) ayaa ka warbixisay dhismaha wadadan iyadoo sheegtay in dadka ku nool guud ahaan caasimada dalka ay aad ugu baahnaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kadib markii uu xariga ka jaray wadada waxa uu kula dardaarmay bulshada reer Muqdisho in ay ilaashadaan bilicda Caasimadda islamarkaana ay door ka qaatan dib u dhiskiisa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dib u howlgalinta xarunta xanàanada caruurta degmada warta nabada

Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay helaan fursada lamid ah kuwa ay waalidiintooda nool yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa digniin u diray dadka sida qaldan u isticmaala dhulalka danta guud ee bulshada loogu adeegi lahaa.