Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku baxay cabashadii darawalada gaadiidka dadweynaha oo maanta bannaan bax ka dhigay Muqdisho, isagoo xusay in markii ay dhageysteen cabashadooda ay Guddi ka socda iyo Maamulka Gobolka Banaadir arrintan ka fadhiyaan, ayna rajeynayaan in arrintaas is faham ku dhamaato.

Guddoomiye Cumar Filish oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu xafiiskiisa uu ka soo baxay maanta kadib markii uu maqlay banaanbaxa ka socdo  qeybo ka mid ah Muqdisho.

“Guddi ayaan u saarnay cabashada gaadiidleyda waxaana aan rajeynayaa in is faham uu ku dhamaan doono.”ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay wariyeyaal ay xireen Booliska, waxaana uu caddeeyay in la sii daayey weriyaasha.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa maanta iyo shalayba dhigayay banaanbaxyo ay ugaga soo horjeedeen  wadooyinka xiran iyo canshuuro laga qaado.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray qaar ka mid wadooyinka magaalada Muqdisho sida wadada Wadnaha iyo Soddonka.