Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Xamar weyne.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa guddoomiyaha degmada Xamar weyne loogu magacaabay Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo hore guddoomiye uga soo noqday degmada Xamar-Weyne.

Degmada Xamar-Weyne ayaan lahayn guddoomiye tan iyo markii shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee degmadaas Cumar Shariif Jeeg isagoo lagu eedeyay anshax darro.