Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in doorashada Soomaaliya ay ku dhici doonto, xilligii loogu tala galay, isagoo meesha ka saaray in aanay jiri doono dib u dhac ku yimaada.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa Guddoomiye Mursal oo ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayuu ku sheegay in Baarlamaanka uu haatan gacanta ku haayo sharciga doorashooyinka, lana filayo in dhamaadka bisha November laga doodo.

“Doorashada xilligii loogu tala galay ayay dhici doontaa, haddii alle idmo, Baarlamaanka wuxuu gacanta ku hayaa sharciga doorashooyinka oo guddi loo magacaabay, waxaa rajeynayaan bishan November in laga doodo, bilowga Bisha December uu ansixiyo, waqtiga doorashada dhici doonto dastuurka ayay ku qoran tahay, mudada dowlad walba shaqeyneyso waa afar sano, afarta sano marka ay dhamaato doorasho waa qabsoomeysa”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka uu meel mariyay shuruucda dalka inta ugu muhiimsan, kuwa kalena ay jiraan, waxaana uu soo hadal qaaday sharciga doorashooyinka oo howshiisa socota iyo Dastuurka oo dib u eegis ku jiro.