Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo xilligan ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo markii labaad doorasho Baarlamaan ah lagu doortay, kaddib doorasho maanta ka dhacday Kismaayo.

Taabit Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxweyne Axmed Madoobe inuu noqdo Hoggaamiye isu keena mucaarad iyo muxaafid, isla markaana ay ka rajeynayaan in si nabadoonimo ah uu ku xeeriyo xaalada Jubbaland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Waxaan Alle uga baryayaa in xilka ummadda ee ammaanada ah u fududeeyo. Sidookale waxaan u hambalyeynayaa musharixiinta kale, si gaar ah musharax Canab Maxamed Daahir oo natiijo wanaagsan keentay, tusaale ku dayasho mudanna u horseeday haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Doorashada, Hay’addaha Amniga, Amisom iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee D.G. Jubbaland sida ay ugu soo dhabar adeygeen ka mira-dhalinta dadaalkii dheeraa ee waqtigii adkaa.

Madaxweyne Axmed waxaan kula dardaarmayaa in uusan noqon Guuleyste balse noqdo Hoggaamiye isu wada keena mucaarad iyo muxaafidba maadaama labaduba ay kuwada abtirsadaan magaca Jubbaland. Sidoo kale inta samaha jecel waxay kaa rajeynayaan in aad nabadoonnimadii laguugu yaqiin wax ku xeerisid.

Ugu dambeyn, waxaan Dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa in xalka dhabbe kale loo maro, saan arooryaadna dib loo raacin, oo tanaasul la muujiyo. DOWLADNIMADU WAA TACAB, TACABKUNA WAA ISKAASHI.