Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u saaray Guddi xaqiiq raadin ah oo warbixin dhameystiran ka keena xayiraadii safar ee lagu sameeyay 25-kii bishan lagu sameeyay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan, xilli ay ka dhoofi rabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loo diray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha ayaa lagaga dalbaday in muddo labo todobaad gudahood Baarlamaanka ku hor-keenaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan.

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan ayaa sheegtay in maalintii isniintii ay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay is hor-taageen xilli ay ku soo jeeday degmada Luuq, isla markaana markii ay garoonka tagtay oo ay bixi rabtay lagu wargeliyay in aanay bixi karin, sidaasna looga reebay diyaaradda.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cambaareeyay tallaabada lagu xayiray Xildhibaanada, waxaana ay ugu baaqeen Guddoonka in arrintan lagala xisaabtamo Hey’adda NISA, iyagoo qaarkood soo jeediyay in loo yeero Taliyaha NISA, si wax looga weydiiyo.