Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed,iyagoo halkaasi ku yeeshay wadahadal dhinacyo badan taabanayay.

Sida wararku sheegayaan, labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin dib u habeynta ku socota garsoorka dalka iyo sidii ay u soo laaban leheyd Kalsoonidii ay Shacabka ku qabeen nidaamka Cadaaalada ee dalka.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto,ayaa sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ku soo qaaday dhibaatada ay Shabaab ku hayaan shaqada garsoorka, isagoo tilmaamay in taasi looga baaqsan karo oo kaliya soo nooleynta kalsoonida rayidka ku qabo garsoorka dalka.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo ka baxa Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka oo ay dowladda gacanta ku heyso, ayaa mararka qaar u cadaalad doonta Maxkamadaha Shabaab, iyagoo ku andacoonaya in garsoorka dowladda uusan sidii la rabay u shaqeyneynin, xiliyada qaarna dadka lacago badan laga qaadanayo.

Balse Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro Gudoomiye Baashe Yuusuf Axmed, ayaa hore uga digay reer Muqdihso iney garsoor u tagaan Saldhigyada Shabaab eek u yaala gobolada dalka, talaabana laga qaadi doono cidii arintaasi lagu arko.