Guddiga doorashada Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta kulankoodii u horeeyay ku yeeshay magaalada Garoowe, iyagoo ku soo bandhigay habraaca loo marayo doorashada Gudoomiyaha cusub.

War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada ay qabsoomeyso 14-ka bishan oo Khamiista todobaadkan ah, waxeyna Diiwaan gelinta musharixiinta bilaabneysaa beri oo Axad ah 10-ka bisha, waxeyna ku egtahay Arbacada oo 13-ka bisha ah.

Musharax kasta waxaa laga doonayaa inuu soo gudbiyo qoraal codsi ah iyo laba Sawir, taasoo ay barbar socoto nuqul kamid ah Taariikh Nololeedkiisa, si loo diiwaan-geliyo, looguna aqoonsado musharrax u tartamaya doorashada guddoomiyaha Baarlamanka.

Sida qoraalka ku cad, Guddigu waxay sheegeen in musharrax kasta laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashada, iyadoo qofkii saxiixi waaya loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay tartanka doorashada.

Si kastaba, Xildhibaano gaaraya 49 mudane ayaa Khamiistii codka kalsoonida kala noqday Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed oo xafiiska fadhiyay wax ka yar sanad, wuxuuna eersaday taageero la sheegay inuu u muujiyay Xukuumada Soomaaliya.