Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa howlgal miino baaris ah ka wada inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ka geysatay qaraxyo miino lala beegsaday Ciidamo iyo Mas’uuliyiin.

Sida wararku sheegayaan howlgalkan miino baarista ayaa waxaa barbar socday howlgal ciidamada ka wadaan hareeraha waddooyinka oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab weeraro dhaba gal ah ka geysteen.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo amniga wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad oo muddooyinkii u dambeeyay faraha ka baxay, isla markaana weeraro ka dhaceen.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Milateriga ay toogasho ku dileen nin la sheegay inuu miino ku aasayay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.