Illaa 150 Macalin ayaa maanta Tababar ku saabsan manhajka cusub ee ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada loogu soo xiray magaalada Muqdisho, iyagoo u tababari doona macallimiinta kale ee iskuulladda manhajkan cusub.

Maxamed Xasan Aadam oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Wasaaradda ee ka shaqeynayay ayaa sheegay in manhajkan cusub uu ku dhisan yahay laba tiir oo kala ah islaamnimo iyo Soomaalinimo, isla markaana ay rejeynayaan in dalka dhan la gaarsiiyo.

Macallimad Xaliima Xuseen Cali oo ka mid ah macallimiitii ka qaby qaatay tababarkan ayaa sheegtay in manhajkan uu yahay mid u wanaagsan ubadka iyo bulshada Soomaaliyeed isla markaan ay wax badan ka faa’iideen intii ay tababarka qaadanayeen.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbrashada Dowladda Federaalka C/raxmaan Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in ayaa sheegay dhankooda iney ka go’antahay dhaqan gelinta manhajka cusub macna weynna ay u leedahay in ardayda Soomaaliyeee loo dhigo manhaj ka turjumaya Soomaalinimadooda.