Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen inkabadan Kun arday oo wax ka baratay kuliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacada Caalamiga ee Horseed.

Munaasabada waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasoo kalmado u badnaa dardaaran u jeediyay ardeyda dhameystay waxbarashada Jamaacada.

Maamulaha Jaamacadda Horseed Cusmaan Nuune oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay waxbarashada leedahay, isgaoo sidoo kale ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee soo mareen ardeyda maanta waxarashada dhameysatay, isagoo kula dar daarmay iney Cilmi raadiska halkooda ka sii wadaan.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacada Caalamiga ah ee Horseed, ayaa amaanay Xildhibaanada waqtigooda u huray sidii ay u dhiiri gelin lahaayeen ardeydan, wuxuuna qalin jabiyayaasha kula dardaarmay iney dadaalkooda halkooda ka sii wadaan, wuxuuna balan qaaday iney jamaacada la socon doonto hadba xaalada ku soo kororta.

Si kastaba, Ardeyda dhameysatay Waxbarashada waxa ay noqonayaan Dufcooyinkii 5-aad iyo 6-aad ee ka qalin jabiyay Jaamacadan, iyadoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad maalintan, maadaama ay ka miro dhaliyeen dadaal sanado badan soo socday.