Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya askari ka tirsan ciidanka dowladda oo xalay degmada Afgooye ku dilay isku duwihii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koofur Galbeed u qaabilsanaa degmadaas.

Dilkan ayaa ka dhacay Koontaroolka Baar ismaaciil oo laga galo degmada Afgooye, waxaana Mas’uulka la dilay lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur (Nuur Xawaad)

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhashay muran la xiriira canshuurta lagu qaadayay Koontaroolka oo soo kala dhex galay askariga iyo Isku duwaha.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay, xilli uu isku dayay inuu goobta ka baxsado.

Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ku dilay mid ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada Koofur Galbeed, waxaana kooxdii dilka geysatay ka baxsatay goobta.