Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dowladda Uganda ku wareejineyso cadad yar yar oo ka mid ah jirka Taliyihii Booliska AMISOM Christine Alalo oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda Ethiopian Airlines ee dhacay bishii March ee sanadkan.

Xukuumada Addis Ababa ayaa sheegtay in baaris dheer kadib ay soo ogaatay caddeeymo muujinaya haraadiga meydka Taliyaha, iyadoo baaris lagu sameeyay Hidda sidaha Jirkeeda iyo mid kaloo laga qaaday qoyskeeda, taasoo keentay in la aqoonsado.

Christine Alalo waxaa ay ahayd Taliyaha Booliska AMISOM,waxaa ay sanadkii 2014kii ku guuleysatay abaalgudka dadka difaaca xuquuqda aadanaha ee Midowga Yurub uu bixiyo.

Fred Enanga oo ah Afhayeenka Booliska Dalka Uganda, ayaa sheegay iney Itoobiya u dirayaan wafdi soo qaada haraadiga Meydka Haweeneydan, si aas Qaran loogu sameeyo dalka Itoobiya, 5-ta ilaa 7-da bisha soo socota ayey u duuli doonaan Itoobiya.

157 qof ayaa saarnaa diyaaradan oo burburtay 10-kii Maarso sanadkan 2019, waxaana dadka dhintay kamid ahaa Todobo qof oo Soomaali ah oo ay ku jireen Wiil iyo Hooyadiis Jarmalka ka yimid, iyagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi.