Maamulka Jaamacadda Islaamiga ee Muqdisho ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay ardayda sanadkan ka qalin jabisay Jaamacadda, waxaana munaasabaddaas goobjoog ka ahaa Maamulka Jaamacadda, Macallimiinta, Ardayda, Waalidiinta, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha, Madaxda Shirkadaha iyo marti sharaf kale oo badan.

Ardayda sanadkan ka qalin jabisay Jaamacadda oo tiradoodu gaarayso 283 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ka Qalin jebiyay Kulliyadaha kala ah:

1- Kulliyada Shareecada iyo Qaanuunka

2- Kulliyada Dacwada iyo Usuulu-Diin,

3- Kulliyada Dhaqaalaha iyo  Culuumta Maamulka

4- Kulliyadda Waxbarashada

Guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Islaamiga Prof. C/qaadir Cali Muumin ayaa hambalyo iyo boggaadin kadib  uga mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda sida wanaagsan ee ay u soo saaraan sanad walba arday tayo iyo anshax wanaagsan leh, kuwaas oo kaalin weyn ka geysta horumarka iyo hogaanka Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay waalidiinta waqtiga adag iyo duruufaha nololeed wax ku soo baray ubadkooda, kuwaas oo aanan marnaba ka caajisin waxbarista iyo barbaarinta Ubadkooda.

Madaxdii iyo marti sharaftii kala duwanayd ee munaasabadda lagu casuumay ayaa ugu hambalyeeyay Maamulka Jaamaca doorka weyn ee ay ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed iyo faafinta Dacwada iyo Diinta Islaamka, iyagoona ku dhiirrigaliyay kuna bogaadiyay dadaalkaas qiimaha badan, waxayna ugu baaqeen iney sii wadaan dadaalkaas

Jaamacadda Islaamiga ee Muqdisho oo la aas`aasay 2001 ayaa waxay sidoo kale u dabaal dagtay sanad guuradeedii 19aad, iyadoona ku can baxday waxbarasho tayaysan iyo anshax wanaagsan intaba, wuxuuna Maamulka Jaamacaddu ku dadaalayaa sidii loo joogtayn lahaa dadaaladaas qiimaha badan.