Waxgaradka iyo Aqoonyahanka gobolka Awdal ayaa ku guulaystay inay dhexdhexaadiyaan koox dhowr maalmod ka hor kaga dhawaaqay magaalada Boorama inay yihiin Jabhad ka soo horjeeda xukuumada Somaliland.

Kooxdan oo la magac baxday jabhada Cawaale ayaa maanta waxa ay sheegeen inay heshiis aqbaleen kadib markii cadaadis xoog leh uu ugaga yimid aqoonyahanada iyo cuqaasha gobolka Awdal.

Munaasabad loogaga dhowaaqayay heshiiskan oo ka dhacday deegaan lagu magacaabo Laas-tuug ayaa  waxaa ka qeybgalay oday dhaqameedyo,wasiiro,aqoonyahano iyo mas’uuliyiin kale.

Sarkaal u hadlay jabhada  ayaa sheegay in wixii ay tabanayeen ay u gudbiyeen wasiirada iyo aqoonyahanada isla markaana ay diyaar u yihiin inay joojiyaan falalkii ay damacsanaayeen.

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Proff Suleymaan Axmed Guuleed ayaa aad ugu mahadceliyay aqbalaada ay jabhadu ka aqbashay aqoonyahanada iyo indheergaradka ayna soo dhoweynayaan in tabashadooda lagu xaliyo wadahadal.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo sheegay inay arrintan Maamulka Somaliland ay wax ka qaban doonto tabashada ay soo gudbiyeen saraakiisha  horkacaysay jabhada.

Waxaa soo baxayay maalmihii la soo dhaafay cabsi ka bilaabtay magaalada Boorame kadib markii jabhadu ay weerar ku qaaday saldhig booliska magaaladaas.