Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah.

Hadal uu ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka rabaan kuwo ay da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir.

“Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri Mahad C/raxmaan.

Hadalka ka soo yeeray Taliyaha Asluubta ayaa dhaliyay dood kala duwan, waxaana dad badan ku tilmaameen inay tahay mid jees jees ah oo muujinaya mas’uuliyad darro.

C/raxmaan C/shakuu oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay tallaab ka qaado Taliyaha oo meel kaga dhacay dadka naafada ah.

“Haddii wasiir waxbarasho xilka looga qaaday in uu Jaamacadaha dalka dhaliilay, bal aan dhowro waxa ay madaxda dalku ka yeelaan ninka meel kaga dhacay dadka naafada ah. Inkastoo ognahay in isagoo dad soo xasuuqay la dalacsiiyey, haddana waxaan is leenahay yaan laga quusan damiirkooda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Halkan hoose ka daawo hadalka Taliyaha Asluubta

Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan dad dhalinyaro nadiif ah, isla markaana aanay u baahneyn kuwo naafada ah oo il la', gacan la' iyo lugo la' "Il laawe Lug laawe iyo Gacan laawe mahaan loogama baahno hadaba ha iska dhaqaajiyo"

Publiée par Abdiaziz Golf sur Dimanche 10 novembre 2019