Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta si rasmi ah u daah furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Dowlad gobaleedka Hirshabeele.

Munaasabada furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeele, Maxamed cali Caadle,xildhibaano,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Cismaan Bare Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay kulamadii hore ee Baarlamaanka iyo weliba ajandayaasha horyaal baarlamaanka kalfadhigan.

“Ajandayaasha horyaal kalfadhigan waxaa ka mid ah dib u eegista dastuurka,hindise sharciyeed ay soo gudbisay wasarada ganacsiga,sharciga xuquuqda xildhibaanka,dib u eegista xeer hoosaadka.”ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali guudlaawe Xuseen oo si rasmi ah u furay kalfadhigan ayaa ugu horeyn ka hadlay dhibaatoyinka fatahaadaha ee ka jira gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne waxana uu tacsi u direy qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintey fatahaada ka jirta Beledweyne.

“Masiibada ka jirta deegaano ka mid ah Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Beledweyne waa mid ka weyn Hirshabelle waana mid heer caalami ah.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay isagoo uu wakiishay Madaxweynaha Hirshabelle uu furan yahay kaldhiga 7-aad ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhowr jeer hore dib u dhac uu ku yimid hase yeeshee ugu dambeyntii ayaa maanta si rasmi ah loo daahfuray.