Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Galmudug, ayaa ka hadlay Ciidamada Itoobiyaanka ee la soo sheegayo iney gaareen magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guutaale oo gelinkii danbe ee maanta Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan sida ay noqon karto doorasho loo adeegsnaayo Ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna madaxda sare ee dalka xusuusiyay in waxa wax dooranayaa aysan eheyn Ciidankan Itoobiyaanka ee sifaha baalmarsan sharciga ku jooga Caasimadda Galmudug.

“Dowladda waxaan rabaa inaan iraahdo ku kalsoonaada shacabkiina, Ciidamada Itoobiyaanka ma codeyn doonaan, waxaa codeyn doona Xildhibaano Soomaaliyeed oo Odayaalo Soomaaliyeed soo xuleen, Iyagaasaa waxaan leeyahay ku kalsoonaada, Codka ka raadiya, Ciidamo Itoobiyaan ah jujuub iyo caburin Soomaali waa lagu kari waayay, Reer Galmudugna maba ku sii jiraan” ayuu yiri Musharax Kamaal.

Musharaxa Madaxweyne Kamaal Daahir Xasan (Guutaale), ayaa dhinaca kale ku amaanay Hoggaanka sare ee maamulka Ahlu-Suna sida ay u sameeyeen tanaasulaad fara badan, si loo helo maamul ka shaqeeya danaha dadka dega deegaanada Galmudug.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu dhanka kale Madaxda sare ee dalka ka dalbaday iney xal deg deg ah ka gaaraan heshiisyadii Ahlu-Suna loogu soo biiriyay maamulka Galmdug, wuxuuna carabka ku goday in darajooyinka loo xiray Ciidamada oo kaliya ay tahay waxa ka dhaqan galay heshiisyadii dhacay.

Musharax Kamaal Guutaale ayaa ugu danabeyntii dhaliilay Jadwalka doorashada Galmudug ee todobaadkii hore ay soo saareen Guddiga Farsamada ee dowladda u xil saartay Galmudug, isagoo sheegay iney jiraan cabashooyin ka soo yeeraya Hoggaanka Ahlu-Suna iyo beelaha qaaree dega Galmudug.