Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowlada Kenya ay ka qeybgalayaan munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Wafdigan ayaa lagu wadaa inuu hoggaamiyo Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya.

“Wafdi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale.

Dowladda Kenya oo ciidamo ay ka joogaan deegaano ka tirsan Jubbaland ayaa hore u aqoonsatay doorashadii Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema-saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday.

Warkan ka soo yeeray Aadan Barre Ducaale ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay dowlada Soomaaliya ay ashtako rasmi ah u gudbisay safiirka Kenya uga wakiil ah Soomaaliya iyadoo dowlada Soomaaliya ay ka dalbatay dowlada Kenya inay jawaab ka bixiso amarkii ay jebisay diyaarad ka soo duushay magaalada Nairobi oo ka degtey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.